Xanaaqu wuxuu waxyeeli karaa Naftaad | Sheeko xikmad badan



Nin nijaar ah ayaa dukaankiisa iska xiraayey wuxuna u socday gurigiisa, Markii uu baxay waxaa dukaankiisa galay mas aad u weyn. Maska aad ayuu u baahnaa wuxuuna raadinayey wax uu cuno, Dukaanka ayuuna si aada wax uga dhex baadhayey isagoo raadinaya kaliya wax uu cuno.

Sidii uu wax u baadhayey ayaa halmar waxaa kusoo kor dhacday Mishaar weyn oo meel ka sareysa saarneyd waxayna kaga dhacda dhex bartanka aad ayuu u xanaaqey wuxuuna isku dayey in uu ka aargoosto masaartii wuxuuna bilaabay inuu qaniino masaarta.

Intaas ka dib maskii ayaa afka dhiig ka keenay isagoo ay ugu wacantahay kibirkiisa iyo xanaaqa haya wuxuuna sii watay qaniinyadiisii kadib waxa uu isku dayo inuu aargoostaba  ugu danbeyntii wax uu u dhintay dhaawacii kasoo gaadhay mishaarta.

Maalinkii xigtay nijaarkii ayaa furay dukaankiisa wuxuuna arkay mas dhintay oo ay agtiisa taalo mishaar dhiig leh, wuxuuna arkay in uusan masku ku dhiman gacan qof kale ee waxaa dilay xanaaqiisa.

Hadaba dulucda sheekadeena\

Mararka qaar markaan xanaaqno waxaan isku daynaa inaan dhaawacno dadka kale Laakiin mudo kadib waxaan ogaanaa inaan kaliya nafteena aan dhaawacaynay, Qasab maaha inaan ka aargoosano qofwalba oo qalad naga galo.

Hadii uu qof qalad kaa galo gadaal u laabo kana fikir qofkas inuu istaahilo jawaabtaada ama ka falcelinta wax uu kugu sameeyey ( 1 daqiiqo ) oo aad xanaaqdo waxaad qasaarisay 60 ilbiriqsi oo farxad ah.

Post a Comment

0 Comments