Sheeko cajiiba | Saacadii sida fudud lagu Helay



Beri Baa waxaa Jirey oday beeraley ah waxa uuna waqtigiisa inta ugu badan ka bixin jirey Hagaajinta beerta, Maalin maalmaha kamida isagoo hagaaginaya beertiisa ayaa waxaa ka dhacay saacadiisii taasoo ahayd mid uu aad u jeclaa waqtigiisana uu ka eegan jirey. Markii uu xoogaa shaqeynayey ayuu dareemay in saacadiisii aysan u xidhnayn aad ayuuna u murugudoodey waxaa uuna bilaabay inuu raadiyo saacadiisii uu aadka u jeclaa, raadin badan kadib uu ka quustay inuu helo.

Isagoo niyad jabsan oo ku fakaraye sida uu saacad la`aan u joogteyn lahaa shaqadiisa beerta maadaama uu waqtiga ku ilaalin jirey saacadiisa, waxa uu arkey caruur meel agtiisaa ku ciyaaraya waxaa uuna ku fakarey inay caruurtaasi u heli karaan saacadiisa maadaama ay ka arag fiican yihiin.

Waxyar kabacdii waxa uu u yeedhay caruurtii waxa uuna u sheegay inuu saacadiisii waayey, Qofkii helena waxa uu u balan qaadey inuu siindoono hadyad uu ku farxo  sidaasna wax uu u sameeyey wuxuu doonayey inay caruurtu sida ugu wanaagsan ay u baadhaan saacadiisa.

Caruurtii waxa ay bilaabeen raadinta saacada wa xoogaa markii ay raadinayeen caruurti waxa ay u muuqdeen kuwo ka daaley raadinta saacada maadaama meeshu aya aheyd meel beera oo aan si fudud wax lagaga heli karin.

Caruurtii waxay u yimaadeen odaygii waxayna u sheegeen inay soo waayeen saacada, odaygii run ahaantii wuu niyad jabay laakiin waxaa mar kale rajadiisii dib u soo celiyey wiil yar oo yidhi anaga fursad kale haley siiyo anaa soo raadinayee odaygii isagoo aan wado kele haysan uu u ogolaadey inuu raadiyo.

Wiilkii yaraa isagoo aan isdhibin waxa uu dul fadhiistay cawskii beerta waxyar kabacdiina waxa uu soo noqday isagoo ku qaylinaya waan helay saacadii, Odaygii wuu yaabey maadaama uu wiilka yari markii hore uu ka mid ahaa caruurtii tidhi waanu ka quusanay raadinta saacada.

Odaygii wax uu waydiiyey wiilkii yaraa sida ay ugu suurta gashey inuu si fudud ku helo saacada, Wiilkii yaraa wuxuu ku jawaabey anigu wax kale ma sameyn ee waxaan dul fadhiistay cawska kowkiisa waxaan dhageystay kaliya jabaqda ay bixinayso saacadu sidaas ayayna iigu suurta gashay inaan si fudud ku helo.

Hadaba xikmada laga baran karo sheekadan waxay tahay Marka aad wax qabanayso inaadan ku qaban kaliya Inaad Awoodaada isticmaasho ee mararka qaar waxaa la isticmaalaa maskaxdaada taasoo natiijada ka dhigi karta mid fudud.

 

Post a Comment

0 Comments