Ninkii Dhagxanta Dahabkaa Shinbiraha ku caydhin jirey | Sheeko xikmad badan

 


Nin Beeraley ahaa ayaa maalin maalmaha kamida isagoo beertiisa iska qodanayaa sidii caadada ahayd una diyaar garoobaya xiliga dayrta ayuu si kadisa u istaagay mashiinkii uu wax ku qodayey kadib inta uu yaabay ayuu eegay waxa mashiinka celinaya, waxa uuna halkaas ku arkey shay madow oo qayb kamid ah ay muuqato si uu shaygaas usoo saaro waxa uu ku qoday gacmihiisa kadibna waxaa uu halkaas kaga soo baxay sanduuq waayadii hore la isticmaali jirey.

Si uu usii ogaado waxa gudihiisa ku jira wuu furay sanduuqii waxaana uu halkaas ka helay dhagxan yar yar oo madmadow aad ayuuna u xumaadey inay meesha kaga soo baxaan dhagxaan kaliya isagoo rajeynayey inuu sanduuqa ka heli doono shey faa`iido leh oo uu yaqaano.

Waxa uuna go`aan sadey inuu dhagxantaan marka beertiisu usoo baxdo uu shinbiraha kaga baaciyo beertiisa, markii ay in mudaa kasoo wareegtay waxaa soo baxdey beertii waxaana sidii caadada aheyd beerta soo weerarey shinbiro doonaya inay cunaan dalaga, odaygiina wuxuu soo xasuustay sanduuqii uu hada ka hor beerta ka dhex heli jirey waxaa uuna soo qaatey sanduuqii ay dhagxantu uga buuxeen maalin kastana shinbiraha ayuu kaga baacin jirey beerta.

Maalin danbe isagoo isaga guda jirey ka ilaalinta Shinbiraha beerta oo kuna tuuraya dhagxantii ayuu si kadis ahi usoo agmarey nin waxaana kusoo ag dhacay dhagxantii uu odaygu beerta shinbiraha kaga baacin jirey waxa uuna eegay dhagxantiina wuxuuna gartey in waxani aysan ahayd dhagax kaliya ee ay yihiin dhagxan dahaba wuxuuna usoo dhaqaaey dhankii laga soo tuurey dhagxanta.

wuxuna halkaas kula kulmay odaygii wuxuuna weydiiyey maadiga ayaa dhagxantaan iska leh kadibna waxa uu ugu jawaabey haayoo beerta ayaan shinbiraha kaga baacinayey kadib ninkii ayaa ku qoslay odayga iyo aqoonta uusan u lahayn shaygaan uu dhagaxa kaliya moodayo.

kadibna ninkii wuxuu odayga usoo bandhigay inuu dhagxantaan midkiiba kasiisto $5000 odaygii wuu yaabay waxa uuna dib ka ogaadey inuu dayacay shay qiimo leh, Halkii ayuuna shaleyto la fadhiistey. 


Hadaba sheekadaan waxaynu ka baran karna waxyaabo kala duwan waxaan kamida :

1:Inaad ka fiirsadey wax aad sameynayso si aadan hadhow uga shaleyn.

2:Mararka qaar inaynu dayacno shey ka qiimo badan kan ayno markaas awooda saareyno.




Post a Comment

0 Comments